Shirweyne looga hadlayo arrimaha amniga oo ka dhacaya Laascaanood

0

Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool maanta ka furmaya shirweyne ku saabsan amniga magaaladaas, kaas oo ay ka qeyb-galayaan bulshada deegaanka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa ku baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka Sool, iyada oo diiradda lagu saarayo falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaasi.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in shirkani aysan ka qayb-geli doonin cid ka socota mas’uuliyiinta Somaliland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here