Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor & danjirayaasha Beesha Caalamka?

0

MOGADISHU (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.

Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, Amniga doorashooyinka, xaqiijinta Qoondada haweenka iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, Amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada sidii Beesha Caalamka gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here