Sidee looga falceliyay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxdii hore ee dalka iyo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay heshiiskii badda loogu saxiixay Itoobiya ee ay shalay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhammaam dadka ka hadlay heshiiskan ayaa kasoo horjeestay, waxayna Itoobiye ku eedeeyeen inay ku xagudubtay Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso:-

Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya. Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada”.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa isaguna ku baaqay “Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda”.

Ra’iisul wasaare hore Roole ayaa falcelintiisa ku yiri ” Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika. Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here