Taliyaha ciidamada Xoogga oo booqasho ku tegay deegaan laga xoreeyay Shabaab

0

JOWHAR (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow , ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan deegaanka Cadcaddey ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Taliyaha ayaa ugu horrayn warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaaminaysa geesiyaasha xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Cad-caddeey ee gobolka shabeellada dhexe , wuxuuna taliyhu ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay u gudanayaan waajibkooda qaran , isagoo kula dar daarmay in ay laba jibbaaraan shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhaarta u marnay oon kulaylka iyo qaxarka u joognaa waa difaaca dadka Soomaaliyeed ee ay argagixisadu dhibaateynayeen dhowr iyo toban sano ,waqtigaanna waxay khawaarijta ku jiraan maalmihii ugu danbeeyay ayuu yiri, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada dedaallo dheeraad ah oo dalka looga cirib tirayo Al-Shabaab, maadaama ay dalka ka socdaan howlgallo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here