Sidee ra’iisul wasaaraha loogu soo dhaweeyey degmada Baraawe?

0

BARAAWE (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto  doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here