Jeddah, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Jeddah heshiis iskaashi oo diimeed kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha Islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.
Heshiiskan oo socon doona muddo saddex sano ah (2026–2028) ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan xoojinta iyo horumarinta arrimaha Islaamka
Wasiirka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay horumarinta fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka iyo taageerada culimada Soomaaliyeed, halka Wasiirka Sacuudi Carabiya, Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis, uu cadeeyay in Boqortooyadu sii wadi doonto taageerada barnaamijyada diimeed ee bulshada Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa la filayaa in uu sii xoojin doono xiriirka diimeed iyo aqooneed ee labada dal, isla markaana u horseedi doono fursado tababar iyo horumarineed oo dheeraad ah.





