Muqdisho — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Salaax Xasan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, ka hortagga masiibooyinka iyo dhismaha awoodda hay’adaha maareynta masiibooyinka.
Safiirka Masar, Danjire Maxamed Salaax Xasan, ayaa sheegay in dowladda Masar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha degdegga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka Masar ee garab istaagga Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha SODMA, kuwaas oo ay ka mid yihiin in khubaro Masaari ah ay tababaro siiyaan shaqaalaha hay’adda, si loo xoojiyo aqoonta la xiriirta saadaasha hawada, qiimeynta khataraha iyo maareynta masiibooyinka.
Guddoomiyaha SODMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaata xasilloonida iyo horumarka dalka.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada sii kordhaya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira.






