Soomaaliya oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Kampala

0

KAMPALA – Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta lasoo gabagabeeyay kaddib saddex maalmood oo uu socday.

Shirka waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika iyo ururro goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ciidamada Afrika ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, kuwaas oo ay kamid yihiin ilaalinta nabadda, ka jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Taliyeyaasha iyo saraakiisha ka qaybgalay shirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-duwidda iyo iskaashiga ciidamada Afrika, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado u baahan hawlgallo wadajir ah oo aan ku salaysnayn dagaallada caadiga ah.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo soo xiray shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqaynta ciidamada Afrika.

Museveni ayaa sheegay in iskaashi xooggan oo dhex mara ciidamada qaaradda uu muhiim u yahay wax ka qabashada xaaladaha amni iyo kuwa bani’aadannimo ee ka baxsan dagaallada caadiga ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay door muhiim ah ku leeyihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo Soomaaliya ay sidoo kale wajahday isbeddello ku yimid qaababka taageerada iyo hawlgallada amni ee caalamiga ah.

Hawlgallada aan dagaalka ahayn ayaa waxaa kamid noqon kara ilaalinta shacabka, gurmadka musiibooyinka dabiiciga ah, ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo iyo taageeridda hay’adaha dowladda xilliyada ay dhacaan xaalado degdeg ah.

Shirka Kampala ayaa sidoo kale fursad u ahaa taliyeyaasha ciidamada Afrika inay is dhaafsadaan khibrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii ciidamada qaaradda ay uga jawaabi lahaayeen xaaladaha degdegga ah iyo caqabadaha amni ee ka baxsan dagaallada tooska ah.

Shirkan ayaa ahaa kulankii ugu horreeyay ee heerka taliyeyaasha ciidamada difaaca Afrika ah ee si gaar ah diiradda loogu saaray Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here