Soomaaliya oo xarunta QM ku qabanayso shir ku saabsan amniga Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku qabanaysa xarunta golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada iyo howlgallada xoreynta.

 

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandayaasha kala ah:-
1-Horumarka iyo caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo guddoomin doono shirkaas muhiimka u ah Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 1-dii bishan December 2023-ka Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here