Mataano ku geeriyooday dab xoogan oo ka kacay Degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) –  Faahfaahino dheeraad ah ahaa ahaa kasoo baxaya dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed gaystay oo xalay ka kacay guri ku yaalla xaafadda Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Dabka ayaa ka dhashay koronto, wuxuuna saq dhexe ka kacay guri ay daganaayeen qoys Soomaaliyeed oo ku yaalla halkaasi.

Laba carruur oo Mataano ah, isla markaana jiray 8 bilood ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dabka, kuwaas oo la badbaadin waayay, maadaama dabka uu ahaa mid xoogan.

Sidoo kale labada Canug ayaa saaka lagu aasay xaafadda Oodweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay gubashada guryaha, waxaana ugu dambeeyay dabkii habeen hore ka kacay xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here