Taliska Booliska oo diray farriin la xiriirta ciyaarta Galmudug iyo HirShabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa fariin nabadeed u diray labada koox ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Taageerayaashooda, si ay u ilaaliyaan xasiloonida amniga.

 

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri sidatan:-

Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.โ€

Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqabka ciyaartoyda labada koox.

โ€œCiidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.โ€ ayaa mar kalen lagu yiri farriinta Booliska.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri โ€œQof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas. Mahadsanidiin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here