Taliska Booliska oo sheegay in la baarayo weerarka lagu qaaday xulka K/Galbeed

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday xulka ciyaartoyda kubadda cagta Koonfur Galbeed, xilli ay soo dhammaatay ciyaar xiiso oo ay la ahaayeen dhiggooda Galmudug.

 

Ciyaariyahannada Koonfur Galbeed ayaa marka ay kasoo baxeen garoonka oo ay ku soo idlaatay ciyaar looga adkaaday saddex iyo waxba ayaa waxaa baskii ay saarnaayeen weeraray koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka, waxaana qaar kamid ah ciyaariyahannada soo gaaray dhaawacyo, ayada la burburay baabuurkii ay la socdeen.

Taliye Sulub ayaa shaaca ka qaaday in arrintaas ay tahay mid laga xumaado, isla markaana ay wadaan baaris ku aadan falkaasi, si loola xisaabtamo dadkii ka dambeeyay.

Sidoo kale taliyaha ayaa ka dalbaday reer Muqdisho oo marti loo yahay inay ilaaliyaan nidaamka tartanka socda oo ay kasoo qayb-galaan kumanaan dadweyne ah.

Waa markii labaad oo xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed la weerarayo, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale weerar loogu qaaday, xilli ay kasoo baxeen ciyaarta, waxayna tani dhalisay caro xoogan iyo goโ€™aan kasoo baxay maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo shaaciyay inay isaga baxeen ciyaaraha socda ee maamul goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here