Muqdisho – Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Taliska Tababarka, Takhasusyada iyo Doktariinka Ciidanka Talyaaniga (COMFORDOT).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan tayeynta tababarka ciidamada, horumarinta takhasusyada kala duwan iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga Talyaaniga ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay kulliyadaha iyo dugsiyada tababarka ee hoos yimaada Taliska Tababarka iyo Doktariinka CXDS, iyagoo indha-indheeyay xarumaha iyo howlaha tababar ee halkaasi ka socda.
Booqashadan oo noqonaysa kulankii labaad ee khubarada labada dhinac ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee milatari ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.




