Taliyaha Ciidamada Kenya oo booqday Soomaaliya 

0

KISMAAYO – Taliyaha cusub ee Ciidanka difaaca Kenya Sarreeya Guuto David Keter, ayaa booqday Ciidamada dalkiisa ka socda, ee ku sugan dalka Soomaaliya, si uu u qiimeeyo xaaladooda, una dhiira-galiyo, maadaama ay fulinayaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Sarreeye Guuto Keter ayaa waxaa soo dhaweeyey Taliyaha Qaybta labaad ee AUSSOM, Edward Banda, iyo ku-xigeenka, Colonel Samson Kenga. Wafdiga ayaa booqday Saldhigyada muhiimka ah ee ku yaallo Magaalooyinka Dhoobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Taliyaha intii uu ku jiray booqashada wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay howlgalka AUSSOM ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo xasilinta deeganada laga qabsaday Kooxda.

Banda ayaa sheegay in booqashadda Taliyaha ay tahay mid kusoo aaday xilligii loo baahnaa, islamarkaana Ciidankana ay u tahay niyad-dhis.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalka 2011, iyagoo xiligaas fulinayay howlgal gaar ah oo looga jawaabayay weeraro iyo afduub shaqaale gargaar loogu geystay gobolka waqooyi bari, waxayna sanadkii xigay 2012 ku biireen howlgalka Midowga Afrika.

Kenya ayaa la kulantay weeraro waaweyn tan iyo markii Ciidankeeda Soomaaliya soo galeen, waxaana Al-Shabaab ay sheegtay inay sii wadayso weerarada inta ay askarta Kenyanka gudaha Soomaaliya joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here