Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Tripoli

0

Tripoli – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tegay booqasho rasmi ah.

 

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Tripoli Mudane Fathallah Abdel-Latif Al-Zani, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Liibiya, iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeeddada safarka Wasiirka ayaa ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan Liibiya, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada kala duwan. Sidoo kale, safarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu adkeynayo xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee qaaradda Afrika.

Inta uu ku sugan yahay Tripoli, Wasiirka ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Liibiya iyo mas’uuliyiin kale oo sare, si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo danaha guud ee labada dal.

Booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ballaarinta xiriirka caalamiga ah iyo xoojinta doorka ay ku leedahay arrimaha qaaradda Afrika.May be an image of one or more people and daisMay be an image of suit and roadMay be an image of scooter, motorcycle and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here