Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday saldhigga Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha ee Baraawe

0

BARAWE – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday saldhigga Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee magaalada Baraawe, gobolka Shabeellaha Hoose, si uu u qiimeeyo howlaha amniga iyo u diyaargarowga ciidamada.

 

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyuhu wuxuu la hadlay saraakiisha iyo ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha, kuna ammaanay dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, badbaadinta shacabka iyo sugidda amniga qaranka.

Sidoo kale, wuxuu booqday saldhigga booliska ee magaalada iyo xarumo kale oo adeegyada bulshada ah, oo ay ka mid yihiin isbitaalka magaalada, xarunta maamulka gobolka iyo suuqa weyn ee Baraawe.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu kormeerayo xaaladaha amni ee dalka, lagu xoojinayo howlgalada ciidamada, laguna horumarinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here