Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn iyo mahadcelin ah u sameeyay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Todobaadka CIMIC ee ciidamada dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Munaasabad casho-sharaf ah oo lagu maamuusay dhaqaatiirta ayaa lagu qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb galay Taliyaha CXDS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan Kaaliyaha Taliska Guud ee CXDS, Gen. Madeey Sheekh Nuur Ufuroow, Taliyaha Taliska Taakulaynta CXDS, Gen. Maxamed Maxamuud Xasan Garabeey, iyo saraakiil kale.
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka, kartida iyo adkaysiga ay muujiyeen dhaqaatiirta ka qeyb gashay barnaamijka Todobaadka CIMIC ee dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan sida ay adeegyada caafimaad ugu fidiyeen dadka danyarta ah, iyagoo matalayay Dowladda Soomaaliya.
Gen. Ibraahim ayaa xusay inay tahay arrin lagu farxo in dhallinyarada dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay mihnaddooda caafimaad wax ugu qabtaan shacabka muddo haystay dowladnimo, nabad iyo xasillooni nololeed, balse maanta ay u mahadcelinayaan wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ku bartay gudaha dalka, lehna xirfado caafimaad oo saameyn ku reebay dadkii ay gaarsiiyeen adeegyada caafimaad.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa u mahadceliyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee xilka iska saaray qabsoomidda iyo in si guul leh uu ku soo dhammaado barnaamijka Todobaadka CIMIC ee ciidamada dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.




