Madaxweynaha Mauritania oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya

0

Nouakchott, Mauritania – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, Maxamed Waaled Sheekh Al-Ghazouani, ayaa ka guddoomay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow, fariin gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS, ahna Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, oo ku sugan dalka Mauritania, ayaa Madaxweynaha dalkaas uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Mauritania.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Ergayga Gaarka ah uu Madaxweynaha Mauritania gaarsiiyay fariinta uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Madaxtooyada Mauritania, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Tacliinta ee Mauritania, iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, ahna Safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan Mauritania, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).May be an image of dais and textMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here