Xasan Cali Khayre oo Ka Digay Dhaqdhaqaaqyada Ciidanka ee Lagu Beegsanayo Guryaha Madaxda Hore

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu sheegay in lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore ee qaranka.

 

Khayre ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

“Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay tallaabooyin halis gelin kara amniga madaxda hore, isaga oo sheegay in mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha ay qaadi doonto madaxtooyadu.

“Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro,” ayuu yiri Khayre.

Wuxuu intaas ku daray in xalka keliya ee Soomaaliya looga gudbi karo hubanti la’aanta siyaasadeed uu yahay in dib loogu laabto miiska wada-hadalka, si heshiis looga gaaro doorashada dalka. Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in la helo dowlad ku timaadda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markaana leh sharciyad ay dalka ku hoggaamiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here