Tiro hoobiyeyaal oo saaka ku dhacay degmada Boondheere + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa saaka aroortii hore ku dhacay guri ku yaalla xaafadda Sheekh Yuusuf Alkawnayn, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in hoobiyaha ay ku dhimatay qoyska hooyada daganeyn guriga uu ku dhacay, waxaana sidoo kale burbur xoogleh oo soo gaaray dhismaha hoyga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaashaasi oo si weyn looga dareemaya gudaha caasimadda.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa ahayd mid deggan, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here