Xaalad adag oo ka taagan degmada Baardheere iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

BAARDHEERE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xaalad nololeed oo adag ay ka taagan tahay degmada Baardheere ee gobolkaasi oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen fatahaadaha iyo daadadka Elnino.

 

Axmed Isaaq Xuseen oo kamid ah guddiga horumarinta degmada Baardheere ayaa Idaacadda Shabelle uga warramay xaaladaha ka jira halkasi, isaga oo tilmaamay in shacabka ku dhaqan Baardheere ay wajahayaan xaaladdii ugu xumayd.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in biyaha dhex ceegaag magaalada ay ka dhasheen cuduro, taas oo uga sii dartay xaaladda ka jirta degmada iyo guud ahaan gobolka.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah meelaha laga soo warinayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, waxaana horay u tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kormeer qiimeyn ah ku tegay gobolkaas iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here