Uganda oo Turkiga ka dalbatay $1 billion haddii kala Ciidanka kala baxayso Soomaaliya

0

Kampala – Taliyaha Ciidamada Uganda, Gen. Muhoozi Kainerugaba, ayaa si adag ugu hanjabay dalka Turkey, isaga oo ku eedeeyay in uu ka faa’iideystay xaaladda amniga ee Somalia iyada oo ay kharash iyo naf badan ku bixiyeen ciidamada Uganda.

 

Gen. Muhoozi ayaa sheegay in Turkey ay faa’iidooyin dhaqaale oo waaweyn ka heshay Soomaaliya, oo ay ku jiraan mashaariic waaweyn oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah iyo maareynta qaar ka mid ah goobaha muhiimka ah sida Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay suurtagaleen kaddib dadaalka amni ee Ciidanka Difaaca Uganda (Uganda People’s Defence Force) ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Waxa uu dalbaday $1 bilyan oo uu ku tilmaamay “magdhow amni” ama “lacag ka dhalatay amniga,” isaga oo sheegay in ay tahay abaalmarin ku aaddan 19 sano oo Uganda ay ku jirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu uga digay in haddii lacagtaas la bixin waayo uu xirmi doono safaaradda Turkey ee Kampala, taas oo sare u sii qaadday xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here