Ururada Shaqaalaha iyo Bulshada Rayidka oo kulan aqoon kororsi uga furmay Muqdisho

0

Kulankan oo ah aqoon-is-weedaarsi socon doona muddo saddex maalmood islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa soo abaabulay Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo kaashanaya hay’adda horumarinka shaqaalaha Talyaaniga ee loo yaqaano NEXUS, waxaana maalgelisay Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee dowladda Talyaaniga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa daah-furay aqoon kororsigan diirada lagu saari doonaa doorka Ururada Shaqaalaha iyo Bulshada Rayidka ay ku leeyihiin kor u qaadista Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Shaqo Hufan ee xoojinta sareynta sharciga.

Ugu horreyn, Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday hadalka muhiimada uu leeyahay aqoon is-weedaarsigan iyo kor u qaadista Nabadda, hufnaanta shaqada iyo Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan tan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, Cumar Faaruuq Cismaan, oo isna kulanka hadlay ayaa marka hore muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qabsoomida aqoon kororsigan.

Xoghaye Cumar Faaruuq Cismaan ayaa si qoto dheer ugu hadlay xiriirka ka dhaxeeya Nabadda, Xuquuqul Insaanka iyo Shaqo hufan, isagoona soo hadal qaaday qodobo taabanaya shaqaalaha iyo xuquuqaadkooda.

Si-kastaba, Aqoon kororsigan ayaa imaanaya iyadoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ugu horreeyaan saacadaha badan ay shaqeeyaan iyo lacagta ay mushaar ahaan u qaataan oo ah mid aan isu dhigmin, xilli Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU uu dadaal weyn ugu jiro sidii loo ilaalin lahaa xaqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here