Ciidanka Xoogga Dalka Oo Burburiyay Fariisimadii AL-Shabaab Ee Deegaanka Alanley

0

Shabeellada Dhexe — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay fuliyay howlgal qorsheysan oo ay ku burburiyeen fariisimadii kooxda AL-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Alanley ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray AL-Shabaab oo horey ugu soo cararay deegaanka Jabad Godane, kaddib cadaadis militari oo xooggan. Ciidamada ayaa cagta mariyay dhammaan fariisimadii iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen nabadiidka ee ku yaallay deegaanka Alanley.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ciidanku ay si buuxda u xaqiijiyeen burburinta xarumaha ay kooxdaasi ku dhuumaaleysan jirtay, isla markaana ay wadaan howlgallo baadi-goob ah oo lagu raadinayo xubnaha firxadka ah ee AL-Shabaab.

Sidoo kale, saraakiishu waxay tilmaameen in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa si buuxda looga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Gobolka Shabeellada Dhexe, loogana sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan la dagaallanka AL-Shabaab, iyagoo kaashanaya taageerada shacabka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here