Wararkii u dambeeyey ee furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga Qaran

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa haatan ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha madaxda maamul goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa looga hadlay qaban-qaabada loogu jiro shirka, waxaana lagu sheegay in inta badan madaxda maamul goboleedyada ay ku sugan yihiin Muqdisho, isla-markaana uu furmayo shirka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.

Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here