Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Maxaas kadib dagaal ka dhacay

0

MAXAAS (SMN) – Xaaladda guud ee degmada Maxaas ayaa saaka deggan, kadib markii ay shalay ku wada dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay halkaasi uu dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in labada ciidan ay isku maan dhaafeen kadib dil ay ciidanka Xoogga  u gaysteen nin ka tirsan ciidanka deegaanka oo ay ka shakiyeen.

Sidoo kale waxaa haatan dadaallo dhex dhexaadin ah bilaabay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Maxaas, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

Labada ciidan ee dagaalamay ayaa muddo ku sugan degmada Maxaas, halkaas oo uu ka socdo abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here