Ciidanka ammaanka oo qarxiyay miinooyin lagu aasay Dhoobley

0

DHOOBLEY (SMN) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen gudaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa waxa ay ciidamada ammaanka ku fashiliyeen qarax miino oo la dhigay qaybo mid magaaladaas oo uu ka socdo abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in miinada lagu aasay mid kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey, balse ay ka war heleen ciidamada kadibna ay qarxiyeen.

Gaashaanle Sare Maxamuud Haybe oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in qaraxaasi ay Al-Shabaab la damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii darahy inay xog ka heleen dadka deegaanka, taas oo keentay in lagu guuleysto fashilinta weerarkaasi qarax ah.

Waxaa kale oo u mahadceliyay shacabka, isgaa oo sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaasi.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socday diyaar garow ku aadan wajiga labaad e dagaalka Al-Shabaab oo ka filayo inuu dhawaan ka billowdo gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here