Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Ceelbarde

0

CEELBARDE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay dagaal xoogan oo Talaadadii shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

 

Dagaalkan ayaa ka billowday muran dhex-maray laba askari oo ka kala tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee Koonfur Galbeed, sida ay aan ogaanay.

Cumar Shekh Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degamda Ceelbarde ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 6 qof oo labada dhinac ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan xiisad tan lamid ah ay ka taagan tahay Baraawe oo ay sidoo kale ku dagaalameen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa K/Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here