Wararkii ugu dambeeyay markab lagu afduubay xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dabley aan la garanayn oo burcad-badeed loo malaynayo ayaa markabka xamuul ah oo lagu magacaabo Ruen ku afduubay meel u jirta qiyaastii 1300 km)  magaalada Boosaaso Dec. 14. Hay’adda ganacsiga badda ee Ingiriiska (UKMTO) ayaa dhacdadan ku tilmaantay afduub, iyadoo shaqaalihii markabka gacanta lagu dhigay.

 

Markabka oo ku shareecanayay calanka Malta wuxuuna ku sii jeeday dalka Soomaaliya.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqonaysaa afduubkii ugu horreeyay oo Markab loogu geystay xeebaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2017-kii markaasoo howlgal ay sameeyeen ciidammada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weerarada biyaha gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan afduubka markabka Ruen, xili uu ku sugnaa qiyaastii 500 nautical miles barigaJasiiradda Socotra, ee Soomaaliya.

Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, wali kama uusan hadlin afduubka markabka loogu geystay meel ku dhaw magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here