Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay fatahaadaha ku dhuftay dalka

0

MUQDISHO (SMN ) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa diiradda saaray xaaladaha ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha iyo daadadka Elnino.

 

Inta badan xildhibaanada ayaa arrimahan wax ka weydiiyay guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo hortegay golaha, kaas oo ka warbixiyay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa soo jeediyay in si deg deg wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ku dhuftay dalka, kuwaas oo qaarkood soo barakacay.

Soomaaliya waxaa haatan ka jira xaalado dhanka nolosha ah, kuwaas oo ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka is wata, ayada oo gurmad xoogan ay waddo dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here