Wararkii ugu dambeeyay xaaladda kacsan ee ka taagan magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ciidam ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isku horfadhiyaan gudaha magaalada Garoowe.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xarunta baarlamaanka Puntland, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka.

Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa diidan in la furo dastuurka Puntland, halka madaxtooyada ay iyaduna ciidamo dheeraad ah geystay aqalka golaha wakiilada, si ay u adkeeyaan amniga, taas oo keentay xiisadda maanta ka taagan magaalada Garoowe.

Dadka deegaanka oo cabsi ka muujinayo inuu dagaal ka dhaco halkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay isaga barakaceen xaafadaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Xiisaddan ayaa dhalatay doorashada golaha deegaanka ee maamul goboleedka Puntland, ayada oo dib loo dhigay doorashada degmada Garoowe iyo laba degmo oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here