Xog Sirdoon: Shabaab oo qorsheynayso inay weerar ka fuliso dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Sirdoonka Kenya ayaa sheegay inuu helay xog muujinaysa in Al-Shabaab ay qorsheynayso weerar culus inay ka fuliso dalkaas, oo kamid ah wadamada ay Ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

 

Hay’adaha amniga ayaa la geliyay feejignaan dheeri ah, si looga hortago weerar argagaxiso, oo suurta-gal tahay in lala eegto xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Kenya, oo tan iyo 2013 uu la kulmayay dhacdooyin amni darro ah.

Xogta Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahano badan oo katirsan Al-Shabaab inay galeen dalkaasi kadib markii kooxda looga adkaadey dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan weerar loo adeegsado walxaha qarxa oo gaari lagu soo xiray. Waxaa la faray Ciidanka inay kordhiyaan baraha koontarool iyo baaritaannada, si loo fashiliyo.

Xasaasiyadda arrinta awgeed, lama cayimi karo meelaha ay warbixinadu tilmaamayaan in weeraradu ka dhici karaan.

Sidoo kale, warbixintan ayaa lagu sheegay in hogaamiyaal katirsan Al-shabaab ay shir ku yeesheen deegaanka Holawajeer ee Koonfurta Soomaaliya oo ku yaalla dhinaca xuduudka Kenya.

Deegaanka Holawajeer, ciidamada Kenya ayaa lix sano ka hor ka fuliyay weerar lagu dilay 31 ka tirsan Al Shabaab oo uu ku jiray taliye sare.

Digniinta ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii dambe ay Al-Shabaab kordhisay weerarada qaraxyada miino u adeegsato oo ka dhacaya gobolka Waqooyiga bari ee Kenya.

13-kii bishan, laba maalmood ka dib markii warbixintii sirdoonka lala wadaagay laamaha ammaanka ee dalka Kenya, sideed ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa la dilay ka dib markii baabuur ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka Garissa.

Mudo ka hal bil, in ka badan 13 weerar ayay Al-Shabaab ka fulisay degaanada xuduuda ku dhaw, oo uu kamid yahay gobolka Lamu. Gobolka xeebta ah ayaa waxaa horay uga dhacay falal amni darro, waxaana ku dhintay boqolaal qof iyo hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay ay ku waysay Kenya dalxiis xirmay.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan joojin doonin weerarada Kenya illaa ay kala baxayso ciidankeena dalka Soomaaliya, oo ay soo galeen sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here