Wareysi: Xildhibaan Dhabancad oo ka hadlay arrimaha Dastuurka iyo Doorashada Soomaaliya

0

MUQDISHO, May 6, 2025 – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay arrimaha la xiriira wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed aysan jirin cid gaar ah oo u gooni ah oo wax u meteli karta.

 

“Dadka Soomaaliyeed wax uusan u wadajirin Gobol gaar ah iyo labo gaar ah midna ma sameyn karaan, Dastuurka la beddelay iyo doorashadan waa laga noqon karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad isagoo ka hadlayay madal siyaasadeed oo looga doodayay mustaqbalka siyaasadda dalka.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli muran xooggan uu ka taagan yahay geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashada ee la qorsheynayo in lagu dhaqmo sannadaha soo socda.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshooyinka dalka ayaa walaac ka muujiyay in arrimahaasi lagu wado si aan loo helin wada-tashi qaran oo dhameystiran.

Xildhibaan Dhabancad ayaa ugu baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho, isagoo sheegay in dib u laabasho laga samayn karo wax kasta oo aan lagu wadin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

“Qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed lama hurin karo dano gaar ah oo aan ka tarjumeyn maslaxadda guud,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here