Tripoli, Liibiya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, halkaas oo la filayo inuu kaga qaybgalo shirka Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxil iyo Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo maanta furmaya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa dib-u-habeynta iyo dib-u-qaabeynta hay’adaha ururka, iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ay ka arrinsan doonaan qorshayaasha lagu xoojinayo qaab-dhismeedka ururka iyo habsami-u-socodka howlahiisa, ka hor inta aan la qaban shir-madaxeedka xiga ee hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xubin ka ahayd ururka tan iyo sannadkii 2001, ayaa shirka ku soo bandhigi doonta aragtideeda ku aaddan doorka Geeska Afrika ee dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah CEN-SAD.
Ka qaybgalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.




