Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta Turkiga

0

Muqdisho – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa magaalada Mogadishu ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar.

 

Wafdigan ka socda dowladda Turkiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana soo dhaweynta ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Booqashada wafdiga Turkiga ayaa timid si ay uga qeyb galaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markab lagu magacaabo Çağrı Be, oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Markabkan ayaa la filayaa inuu ka qeyb qaato howlaha sahminta iyo qodista shidaalka ee xeebaha Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale lagu wadaa inay yeeshaan kulamo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tamarta, maalgashiga iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, iyadoo la adkeynayo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.May be an image of suitNo photo description available.May be an image of aircraft

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here