Ra’iisul Wasaaraha oo Xiray Tartanka Orodka Toddobaadka Nabadda iyo Horumarka Muqdisho

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay isla markaana si rasmi ah u xiray tartanka orodka ee Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka ee ka dhacay magaalada Mogadishu.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale orday qayb ka mid ah masaafada 3 kiiloomitir, iyadoo tartanka sanadkan ay ka qeyb galeen ku dhowaad 300 oo orodyahan oo dhallinyaro ah. Tartanka ayaa loogu magac daray halyeeyada orodka Soomaaliyeed, Karaaciin iyo Saamiya Yusuf Omar, taasoo lagu xusay doorkooda dhiirrigelinta ciyaaraha iyo halganka dhallinyarada.

Markii uu tartanku soo dhammaaday, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu billado iyo abaalmarinno guddoonsiiyay dhallinyaradii kaalmaha hore ka galay, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda, anshaxa wanaagsan ee ciyaaraha, iyo ruuxa tartan ee ay muujiyeen.

Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka Muqdisho ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya horumarka dhanka nabadda ee dalka, isla markaana xoojinaya isku duubnida dhallinyarada iyo rajada wanaagsan ee mustaqbalka Soomaaliya.May be an image of one or more peopleMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎肌物 INTERNATIONAL WEEK OF SPORT FOR DEVELOPMENT AND PEACE IN MOGADISHO مقديشو في والسلام التنمية أجل من للرياضة الدولي الأسبوع SOMALIA 000 KARACIIN CROSS KARACINGROSSCOUNTRYRUH:SA COUNTRY RUN SAAMIYA MEMORIAL GAM‎"‎‎May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here