MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Mudane Javed Yousifi, oo ah Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu sagootiyay Marwo Andreia Fausto, oo ahayd Madaxdii hore ee Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya, taas oo door muuqda ka qaadatay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda WFP.
Munaasabadda soo dhoweynta iyo sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda sare iyo howlwadeennada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo uga mahadceliyay Marwo Andreia Fausto dadaalkii iyo waxqabadkii ay ku bixisay horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac intii ay xilka haysay.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay Mudane Javed Yousifi, iyagoo u rajeeyay guul iyo waxqabad wanaagsan xilka cusub ee loo igmaday, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada cuntada, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.



