Shiinaha – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha nidaamka CIPS ee dalka Shiinaha, Mudane Wang Hongbo, kaas oo looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-gudbinta lacagaha ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
CIPS waa nidaam maaliyadeed oo Shiinuhu u adeegsado fududeynta lacag-bixinta iyo xisaab-xirka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan macaamillada lagu sameeyo lacagta dalkaas ee Yuan-ka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa bixinta iyo helitaanka lacagaha ka dhasha ganacsiga ay la leeyihiin shirkadaha iyo ganacsatada Shiinaha, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saabsan adeegsiga lacagta Yuan-ka.
Wasiirka ayaa kulanka ku wehelinayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan wafdiga Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu horumarinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, fududeynta isu-socodka lacagaha ganacsiga iyo ballaarinta fursadaha ay wax-soo-saarka Soomaaliyeed ku gaari karaan suuqa weyn ee Shiinaha.




