Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Dowladda Cummaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku-xirka gaadiidka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leeyihiin marin-biyoodka, fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo badeecadaha, iyo xoojinta isku-xirka dekedaha iyo ganacsiga, si loo abuuro fursado dhaqaale oo labada dalba dan u ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Cummaan, isaga oo tilmaamay fursadaha ballaaran ee ka jira labada dal ee dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dhankiisa, Danjire Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cummaan.




