Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo La Kulmay La-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Robert Flannery, oo ah la-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, wacyigelinta bulshada, ka hortagga dacaayadaha iyo fikradaha xagjirka ah, iyo isku-duwidda farriimaha dowladda ee la xiriira dadaallada ka dhanka ah argagixisada.

Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay diyaarinta qorshe warbaahineed oo mideysan, hirgelinta ololeyaal wacyigelin oo wax ku ool ah iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo farriimo sax ah oo kor u qaadaya fahamka iyo ka-qaybgalka dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Dhankiisa, Robert Flannery ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiinta istiraatiijiga ah, si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada Mareykanka ee arrimaha la xiriira.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Istiraatiijiga ah ee Wasaaradda, Cabdishakuur Cali Axmed, iyo la-taliyaha wasiirka, Cabdicasiis Jeylaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here