Muqdisho, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay doodda akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kana tirsanaa kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 22-aad, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 xildhibaan.
Ugu horreyn, xildhibaannadu waxay sii ambaqaadeen doodda akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130, kaas oo soo baxay 22-kii Abriil 2012, isla markaana ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaannada ayaa ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.
Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo mudanayaashu ay ka doodeen muhiimadda heshiisyadaasi u leeyihiin dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka gudbeen marxaladda akhrinta labaad.
Guddoomiyuhu wuxuu faray guddiyada ku shaqada leh inay diyaariyaan warbixinnada akhrinta saddexaad, kadibna dib ugu soo celiyaan Golaha Shacabka, si loo sii ambaqaado habraaca sharci-dejinta loona guto waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamaanka.



