Goma — Xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo iyo Rwanda, gaar ahaan meelaha ku xeeran magaalooyinka Goma iyo Gisenyi, ayaa la xiray tan iyo subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen ilo kala duwan oo goobta ku sugan.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Rwanda ama jabhadda M23, oo gacanta ku haysa Goma tan iyo sanadkii hore.
Goobjooge ku sugan Goma oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa labada dhinac si buuxda loo joojiyay, isaga oo tilmaamay in dadka aan loo ogolayn inay ka gudbaan xadka.
“Rwanda hadda ma ogola in dalkeeda la soo galo tan iyo saaka. Dhaqdhaqaaqii labada dhinac waa la xannibay,” ayuu yiri sarkaal IT ah oo ku sugan Goma.
Xiritaanka xadka ayaa ku soo beegmaya iyadoo gobolka uu galay feejignaan caafimaad kadib digniin ka timid Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo ku saabsan cudurka Ebola ee ka dillaacay aagga Bundibugyo ee u dhexeeya Uganda iyo DRC.
Dadka deegaanka iyo goobjoogayaasha ayaa aaminsan in tallaabadan ay tahay mid taxaddar ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, maadaama xadka Goma iyo Gisenyi uu ka mid yahay meelaha ugu mashquulka badan gobolka harooyinka waaweyn, halkaas oo dhaqdhaqaaq ganacsi iyo dadweyne uu aad u sarreeyo.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaan wali si rasmi ah uga hadlin sababta xiritaanka, taasoo sii kordhisay walaaca dadka deegaanka iyo kuwa ganacsiga ku tiirsan xadkaas.




