Xeer ilaalinta qaranka oo racfaan ka qaadatay xukunkii Maxkamadda Gobolka

0

MUQDISHO (SMN) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunka Maxakamadda Gobolka Banaadir ay ka soo saartay 9 eedeysane oo kamid ahaa 11 eedeysane oo horey Xeer Ilaalintu dacwad uga soo gudbisay, taas la dhagaysanayay labadii bilood ee ugu dambeeyay.

 

Khamiistii ayay Maxkamaddu dambi ku waysay shan eedeysane, iyadoo lix kalena xabsiyo kala duwan ku xukuntay, kuwaas oo loo haystay eeddo ay kamid ahaayeen Musuq-Maasuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inuu si horudhac ah u dhammaystiray habraaca Racfaan ka qaadashada xukunka dhacay 28 kii bishii hore ee Sebteembar.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here