Xeer ilaaliyaha Qaranka oo rajo weyn ka muujiyay go’aanka ICJ

0

Hague (SMN) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ee ku sugan Hague oo Goobjoog unoqon doona Go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) maanta ay kasoo saari doonto Dacwadda baddeena ee ay Kenya muranka gelisay, ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay Soomaaliya Guulaysan doonto.

Suleymaan ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ugu niyad sanyahay in Soomaaliya loo xukmiyo kiiskan oo soo billowday sanadkii 2014-kii.

“Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii Alle idmo” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here