XOG – Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaadaya duqa Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Xog gaar ah oo ay heshay Warbaahinta Shabelle ayaa muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, oo la magacaabay xilkaasi 10-kii December 2024.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu durba garowsaday inuu isbeddel sameeyo, iyadoo xilka Amiir uu hadda marayo shan bil kaddib magacaabistiisa. Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay go’aankan kadib markii la dareemay duruufo iyo caqabado hortaagan maamulka gobolka iyo fulinta qorshayaal dowladeed oo muhiim ah.

Sida la og yahay, Madaxweynaha ayaa hadda u weecday qorshe cusub oo uu ku beddeli doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo ka fakaraya inuu xilkan muhiimka ah u magacaabo mid kamid ah laba Danjire oo dowladdu u dirtay dalalka caalamka.

Magacyada sida gaarka ah loo xusay ee laga fiirsanayo waxaa kamid ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia, Maxamed Cabdullaahi Axmed (oo loo yaqaanno Maxamed Dheere), iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Daahir Xasan Xuseen (Daahir Carab). Labadaasi ayaa la rumeysan yahay inay khibrad iyo karti u leeyihiin hoggaaminta maamul weyn sida Gobolka Banaadir, iyagoo sidoo kalana ah wakiillo sare oo dowladda uga sugan dalal muhiim ah.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in laga yaabo in magacaabista rasmiga ah la shaaciyo toddobaadyada soo socda, iyadoo Madaxweynaha uu sii wado latashi ballaaran oo la xiriira hannaanka isbeddelka maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ku saabsan isbeddelkan ayaa imaanaya xilli la dareemayo in dowladda Federaalka ay dooneyso in ay xoojiso la-dagaallanka musuqmaasuqa, kor u qaadidda adeegyada shacabka iyo horumarinta amniga magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ama kan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u beeninaya ama u xaqiijinaya xogtan, balse arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Madaxtooyada iyo xarumaha siyaasadeed ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here