Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla waqooyiya magaaladaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka la fashiliyay, isla markaana lagu dilay tiro kamid ah xubnihii dagaalka soo qaaday.

Qoraalka ayaa u qornaa sidatan:-

Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen.

Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta.

Dagaal waqti kooban socday ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaare leh dhimasho iyo dhaawac sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha goobta ku sugneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here