Xuska aas aaska Midowga Jamhuuriyada Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

 

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaa Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaliya,taliya kuxigeenka ciidanka xoogga dalka agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale kuwaa oo dhammaan ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Talyaaniga xuska aas aaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga uu kawada dhaxeeyo xiriir soo jireen ah,islmarkaana ay ku farxsan yihiin kasoo qeybgal xafladda loo qabtay ee loogu dabaal dagayo

Jumhuuriyadda Talyaaniga ayaa la aas aasay 4-Nuvembar 1918,waxana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir mudda dheer soo jiray,iyadoo dowladda Talyaaniga ay mashaariic kala duwan ka fuliso gudaha dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here