MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay lagu qabtay xaflad loogu dabaal-dagayey sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aas aaska Shabelle.
Munaasabadda oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa kasoo qayb-galay wasiiro, xildhibaano, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo bahda saxaafadda.
Ka qayb-galayaasha oo qaarkood khudbado ka jeediyey xafladda ayaa ka hadlay taariikhda faca weyn ee Shabelle oo soo martay marxalado kala duwan.
Halkan hoose ka daawo: