Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan la Qaatay Wakiillo ka Socday Shirkadda Albayrak-Somalia

0

Muqdisho, Soomaaliya – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia, oo maamusha Dekedda Muqdisho.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho, iyadoo la isla eegay hababka lagu horumarin karo wada-shaqeynta iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka dakhliga.

Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, si loo xoojiyo dabagalka, hubinta dakhliga dowladda iyo ilaalinta habraacyada maamul wanaagga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay si dhow uga wada shaqeeyaan xaqiijinta isla-xisaabtan iyo maamul maaliyadeed oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hufan, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo shirkadaha ay khuseyso.May be an image of one or more people and people studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here