Cammaan, Jordan – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay Shirka Wadatashiga Carabta iyo Shirka 165-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir, kaas oo ka furmay magaalada Cammaan ee dalka Jordan.
Shirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya dalalka Carabta, amniga gobolka, iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaalaha, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay ajandayaal dhowr ah oo la xiriira danaha guud ee dunida Carabta iyo caqabadaha gobolka.
Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulamo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalalka Qatar, Mauritania iyo Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee ay wadaagaan.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo amniga, si loo sii xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga Carabta, kor u qaadista wada-shaqeynta gobolka iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalalka Carabta.




